daajis.com:- Cismaan Barre Maxamed ayaa ku guuleystay xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle kadib codbixin caawa magaalada Johhar ka dhacday oo xildhibaanada maamulkaasi ku dooranayeen Guddoomiyaha baarlamaanka.
Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Cismaan Jawaari ayaa goobjoog ka ahaa doorashada guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabeelle oo labo musharax ay ku tartamayeen.
Baarlamaanka Hirshabeelle oo koobnaa 117 xildhibaan ayaa waaa joogay oo codeysay 91 xildhibaan, waxaana cododka aqlabiyadooda helay Maxamed Cismaan Barre oo 61 xildhibaan u codeysay, halka musharaxa la tartamayay Abuukar Xasan Cali uu helay 28, waxaana xumaaday hal cod.
Sidaasina waxaa guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle loogu doortay Cismaan Barre Maxamed noqday guddoomiyaha Maamulka Hirshabeelle.
Abuukar Xasan Cali oo looga guuleystay doorashada ayaa u mahadceliyay ninka ku guuleystay xilka guddoonka baarlamaanka, wuxuuna sheegay inuu u mahadcelinayo xildhibaanada oo dhan,isagoona balan qaaday inuu la shaqeyn doono guddoomiyaha cusub.
Waxaa goobta lagu dhaariyay Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Hirshabeelle Cismaan Barre Maxamed oo isna balanqaaday inuu xilka loo doortay kasoo dhallaali doono.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 05:30 and have

