DAAWO:- Madaxweynaha Nigeria oo loo digay iyo Kooxda Boko Haram oo sii daysay Gabdho u Afduubnaa

DAAWO:- Madaxweynaha Nigeria oo loo digay iyo Kooxda Boko Haram oo sii daysay Gabdho u Afduubnaa

daajis.com:- Xaaska Madaxweynaha Nigeria, Caasha Buhari ayaa sheegtay in aysan Taageeri doonin saygeeda Mohammedu Buhari haddii uu mar kale isku soo taago xilka madaxnimo ee dalkaas, haddii uusan sameyn isbedel muuqda.

Dhanka kale, Kooxda Boko haram ayaa 21-gabdhood oo ka mid ahaa kuwii ay afduubeen sannadkii 2014-kii sii daayay, kaddib markii ay ku bedesheen

Sidoo kale, Caasho Buhari oo la hadashay BBC-da ayaa waxay sheegtay in madaxweynaha Nigeria uu xilal u magacaabay shakhsiyaad aan rumeysnayn afkaarta xisbiga talada dalkaas haya ee APC.

Caasho Buhari ayaa waxay hadalkeeda raacisay in Madaxweyne Buhari laga doonayo in uu dhageysto Taageerayaashii ka caawiyay inay Madaxtinimada dalka laba sano ka hor ku guulaysto.

“Madaxweynuhu wuxuu xilal badan u magacaabay xubno aan taageersanayn xisbiga talada haya ee APC, kuwaasoo af-duub ku qabsaday Xukuumadda oo dhan,” ayay hadalkeeda ku dartay Caasho Buhari.
Wariye ka tirsan BBC-da oo ku sugan Xarunta Nigeria ee Abuja, ayaa sheegaya in Xaaska Madaxweynaha dalka Nigeria ay u muuqato inay u hadlaysay dad taageersan Madaxweyne Muxamadu Buhari oo Filayay inay xilal ka qabtaan Xukuumadda, kaddib markii la doortay madaxweynaha balse aan xilalkaasi helin.

Ugu dambeyn, Kooxda Boko Haram ayaa sheegtay inay sii daysay 21-gabdhood oo ka mid ah kuwii ay horay u qafaasheen, kaddib markii ay ku bedelatay afar sarkaal oo kooxdooda ka mid ah oo Dowladda u xiran, inkastoo xukuumadda Abuja ay ku gacan-sayrtay inay sii daysay xubno ka tirsan Kooxda Boko Haram.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 04:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada