Daawo: Madaxwaynihii Hore ee Obama oo Dhaliilay Amarada Donald Trump

Daawo: Madaxwaynihii Hore ee Obama oo Dhaliilay Amarada Donald Trump

daajis.com:- Xafiiska Barack Obama ayaa soo saaray war qoraal ah oo uu ku sheegay, in madaxweynaha hore ee Maraykanka uu la dhacay dibed baxyada ballaaran ee looga soo horjeedo, amarka uu madaxweyne Trump ku mamnuucayo dadka ka yimaada waddamada Muslimka ah qaarkood.

Afhayeenka Obama, Kevin Lewis, ayaa sheegay in hogaamiyaha hore uu si weyn u khilaafsan yahay in dadka loo takooro diinta ay aaminsan yihiin.

Waxa uu sheegay in ay tahay in la dhagaysto shacabka muujinaya dareenkooda, isla markaana mar waliba la raaco qiyamka uu ku dhisan yahay Maraykanka.

Dhanka kale, in ka badan hal milyan oo qof oo ku nool Britain, ayaa saxiixday dalab ay uga codsanayaan dowladda inay baajiso booqashada la qorsheynayo inuu Trump ku tago dalkaasi dabayaaqada sanadkan.

Dalabkan ayaa jawaab u ah amarka uu soo saaray madaxweyne Trump oo ka dhan ah qaxootiga, Kuwa ka dambeeya dalabkan ayaa ku doodaya in boqorada ay ceeb ku tahay haddii Trump uu booqdo Britain.





FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada