Donald Trump oo xilkii ka qaaday Xeer ilaaliyaha Guud ee ka horyimid (Daawo)

Donald Trump oo xilkii ka qaaday Xeer ilaaliyaha Guud ee ka horyimid (Daawo)

daajis.com:- Madaxweynaha maraykanka Donald Trump ayaa si deg deg ah xilkii uga qaaday ku simaha xeer ilaaliyaha guud ee Maeaykanka Sally Yates.


Xilka qaadistan ayaa ku soo beegamaysa ka dib markii ku simaha xeer ilaaliyaha ay amar ku siisay sharciyaqaanada wasaaradda garsoorka ee maraykanka inaanay difaacin amarka madaxweynaha ee mamnuucaya inay maraykanka soo galaan dadka ka soo jeeda 7 dal oo muslim ah.

Warsaxaafadeed ka soo baxay aqalka cad ayaa lagu sheegayin Sally Yates oo ka tirsanayd maamulkii madaxweyne Obama ay ku gaftay wasaaradda garsoorka ka dib markii ay diiday inay meelmariso sharci loogu talagalay inuu difaaco dalka maraykanka.

Warasaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in madaxweynuhu uu xilkii ka qaaday isla markaana uu si ku meel gaar ah u magacaabay Dana Boente oo ah xeer ilaaliyaha bariga Virginia.

Madaxweyne Trup ayaa xilka xeer ilaaliyaha guud u doortay senator Jeff Sessions kaasi oo sugaya ansixinta golaha senateka.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada