Geerida Weerarkii Masjidka Dalka Canada oo Maraysa 6 Qof (VIDEO)

Geerida Weerarkii Masjidka Dalka Canada oo Maraysa 6 Qof (VIDEO)

daajis.com:- Weearar ay rag hubeysan xalay ku qaadeen masjid ku yaalla magaalada Quebec City ee dalka Canada, ayaa waxaa ka soo baxaya warar sheegaya in geerida dadkii halkaasi lagu weeraray ay gaartayn ilaa lix qof.

Afhayeen u hadashay booliiska dalka Canada ayaa sheegtay in laba qof oo lagu tuhunsan yahay weerarka la xiray, hase yeeshee kama aysan bixin wax faahfaahin ah oo intaas dheer.

Madaxa xarunta Dhaqanka Islaamka ee magaalada Quebec City ayaa sheegay in markii weerarka uu dhacay ay muslimiinta ku guda jireen salaaddii maqrib. Illaa 53 qof ayaana goobta ku sugnaa, markii uu weerarka dhacayay.

Ra’iisul wasaaraha dalka Canada Justin Trudeau ayaa cambeereeyey weerarka kuna sheegay “weerar argagixiso oo lagu qaaday dadka muslimiinta ah”, waxa uuna sheegay in dalkiisa uu qiimeeyo kala duwanaanshaha iyo dulqaadka diimeed ee dalkaasi ka jira.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada