Sargaal katirsan Al Shabaab oo madaxiisa la dul dhigay lacag gaareysa 5 milyan oo dollar

Sargaal katirsan Al Shabaab oo madaxiisa la dul dhigay lacag gaareysa 5 milyan oo dollar

daajis.com:- Dowladda Mareykanka ayaa lacag gaareysa shan milyan oo Dollar dul dhigtay madaxa sargaal la rumeesan yahay in uu katirsan yahay kooxda Al Shabaab, ninkan lacagta la dul dhigay ayaana heesta dhalashada dalka Mareykanka.

Mareykanka ayaana ballan qaaday in lacag gaareysa shan milyan oo dollar siinayaan cidii keenta xog dhameestirsan oo lagu soo qaban karo Jihaad Serwaan Mustafa oo loo yaqaan Axmed Gurey .

Xeer Ilaaliyaha Mareykanka Robert Brewer , ayaa sheegay in Jihaad Serwaan uu yahay muwaadinka ugu darajada sareeya ee u dhashay Mareykanka ee dibadda uga soo dagaalama urur argagixiso.

Dowladda Mareykanka ayaana in muddo ah baadigoob ugu jirtay ninkan ay tuhmayaan in uu joogo gudaha Soomaaliya, waxa ayna dowladda Mareykanka lacagtan ay dul dhigeen madaxa sargaalkan filayaan in ay u fududeeso soo qabashadiisa ama dilkiisa.


Ninkan dowladda Mareykanka madaxiisa dul dhigyay lacagta ayaa asal ahaan kasoo jeeda Kurdida Siiriya, waxaana ninkan oo kasoo baxay Jaamacadda California, waxaana Serwaan isaga oo 23-sano jir ah ku biiray Al Shabaab sannadkii 2005-tii.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:03 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada