Diyaaradii gargaarka u siday Puntland oo dib loogu soo celiyay Muqdisho kadib amarkii Deni.

Diyaaradii gargaarka u siday Puntland oo dib loogu soo celiyay Muqdisho kadib amarkii Deni.

daajis.com:- Wararka naga soo gaaraya gobolka Bari ee maamulka Puntland ayaa sheegaya in goordhow ay garoonka Boosaaso ka soo duushay diyaaradii siday Kusimaha masaxweynaha ana gudoomiye xigeenka koowaad ee golaha shacabka Sacdiya Yaasiin Xaaji.

Wararka ayaa sheegaya in loo ogolaaday duuliyihii waday diyaarada uu ku dagto garoonka si uu uga qaato shidaal, iyadoo intaasi kadibna ay dhamaan dadkii saarnaa diyaarada dib loogu soo celiyay magaaladda Caasimadda ah ee Muqdisho.

Dib u soo laabshada wafdigan ayaa ka danbeysay kadib markii amar ka soo baxay madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo dalka ka maqan uu laamaha amaanka faray in dib loo celiyo diyaarada iyo wafdigeeda, lama oga sababta, waxaase jira warar sheegaya in arrintan ay salka ku heyso khilaaf ka dhashay cida maamuleysa gurmadkan.

Gargaarkan oo isugu jiray Deeq iyo Dawo ayaa dib loogu so celiyay magaalada Muqdisho, iyadoo dagaal sababay khasaare dhaawacyo lu kooban uu ka dhashay diyaarada ka degtay Boosaaso ee ay la socotay Sacdiya Yaasiin oo ka soo jeeda deegaanada Puntland.

Si kastaba, Isimadda dhaqanka Puntland oo shir deg deg ah yeeshay waxay cambaareeyeen Talaabadii Puntland ay kucelisay Kusimaha Madaxweynaha Soomaaliya Sacdiya, waxayna sheegeen in ay taageersan yihiin dawladnimada Soomaaliya, Marwo Sacdiya ayaa la filayaa iney la hadasho warbaahinta oo ay faahfaahiso sida ay wax u dheceen.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:19 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada